Olle olihii xisbiyada siyaasadda oo ka bilawday Vivalla, Örebro!

Olleolihii Dooradda heer degmo oo ka bilaabamay degmadda Örebro

Waxaa galabta oo taariikhdu ku beegantahyay 23 bisha 4aad ee sanadka 2018 ku qabsoomay degmadda Örebro ee Wadanka Sweden shir . Shirkan ayaa waxaa soo abaabulay koox odayaal dhaqameed sheegtay oo degen degmada. Sida aan warka ku helnay ujeedada shirku waxay ahayd campiagn ama xusulduub siyaasadeed oo cod loogu goobayo Musharaxa xisbiga Vänsterpartiret/ama bidixda-fog u sharaxan oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Qowmiyadda Soomaalida ee degegan  degmada Örebro.

Siyaasisiyiin axsaabta kale ka socota oo la soo xiriirtey AFRO-SVENSKA Media oo magacooda diiday in la shaaciyo ayaa sheegey in ay jiraan Qaabab ka duwan sida uu dhigayo sharciga doorashada waddanka Sweden in wax loo wado oo kooxdan odayaasha ahi ay doonayaan  in soomaalidu ay codka ku siiso musharaxa  ka socda bidixda-fog qaab qowmiyadeed ama qabiil  taas oo ay ka hadleen siyaasiyiintu in ay tahay mid aan sharciga doorashada waafaqsaney is lamarkaana ka hor imaanaya dastuurka dalka u yaala.

waxay siyaasiyiintu intaa ku dareen in qaabkan ku saleysan dhaqan soomaaliga uu ahaa mid loo isticmaalay doorashooyin hore oo codad lagu gurtey dadkana loo sheegay balanqaadyo aan dhab ahayn. Dhinaca kale warakaasi waxaa inoo xiqiijiyey mid kamid ah odayaasha oo codsadey in magaciisa aan la shaacin.Qaab dhaqameedkan  sooyaal ah oo ku saleysan 4.5 qaabkaas oo ka hor imaanaya sharciga iyo qawaaniinta wadamadda dimoqoraadiga ee uu ka midyahay wadanka Sweden.
Ugu danbeyntii  waxa ayey siyaasiyiintu wareysigoodii ku soo gabo gebeyeen in ay macquultahay in xitaa taageerayaasha Soomaalida ee  xisbiga Socialka ay u wareegaan dhanka bidixda-fog maadaama musharaxoodii uu xilka faarujiyey arin laxiriirta faddeexad lagu sheegay innuu lunsaday lacago kor-udhaafaya Nus Million KRONKA SWEDISHKA AH.

Warkaan waxaad kala socotaa waa channelka Afro-Media qeybtiisa online ka ah wixi faah faahina kala soco hemsida ah xarunta Afro-Media

Qore: Omar A.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Don`t copy text!