Debatekii siyaasiyiinta Soomalida ee Vivalla Kultur arena!

Waxaa ku qabsoomay degmadda Örebro qaas ahaan degaanka Vivalla doodwadaag dhexmaray musharixiinta Soomaalida ee ka socoda  xisbiyada kaladuwan ee waddanka Sweden. Dooda oo ku bilaabatey qudbado iyo baraarujin kadibna aad u kululaatey taas oo soo bandhigtey dhammaan kaladuwanaashaha siyaasadeed ee u dhaxaysa dhammaan xisbiyadda. Waxay doodu ku qotontey qodobadan oo hoos ku xusan:-

 

  1. Arimaha waxbarashada
  2. Cunsuriyada iyo Midabtakoorka
  3. Shaqada iyo Shaqaalaha
  4. Guryaha iyo qarashaadka kirada oo aad u sii qaaliyoobaya
  5. Migrationka iyo dhibta ka haysata Soomaalida marka laga hadlayo aqoonsiga Passporka Soomaaliga ah.IWM

Dooda oo aad u dheereyd ayaa ugu danbeyntii lagu soo gabagebeyey su’aalo iyo tallo bixin la gadhegeystey dadkii ka soo qeybgeley.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Don`t copy text!